Beesha Hawiye Oo Shaacisay In Aysan Farmaajo U Aqoonsaneyn Madaxweyne

4

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Shirweyne hal maalin socday ku yeeshay Beelaha Hawiye, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaasadeeed ee dalka, muddo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Golaha Shacabka iyo Arrimo ku aadan Beesha.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirweyaha Beelaha Hawiye ayaa waxaa marka hore lagu shaaciyay in Beesha ay kasoo horjeedo muddo kororsiga ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Beelaha Hawiye ayaa sheegay in aysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne Soomaaliyeed, isla markaana sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta labada ee lasoo sameeyay Farmaajo.

Shirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga laabto go’aankii Xildhibaano waqtigoodu dhammaaday ay muddo kordhinta u sameeyeeen, ayna badbaada dalka ku jirto in la qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Sidoo kale Shirka ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ugu baaqay inay Shir Wadatashi ah isugu yimaadan, si looga wada-hadalo doorashada, iyadoo aan loo xayirmeyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Ugu dambeyn Shirka ayaa waxaa Digniin loogu diray Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Booliska iyo Taliyaha NISA, kuwaasi oo lagu eedeyay inay sigaar ah ugu shaqeynayan muddo kordhinta Farmaajo.

Shirweynihii Beelaha Hawiye ee Maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee dalka, RW hore, siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka Hawiye iyo qeybaha kala duwan ee Beesha.