Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo maanta gaaray degmada Waajid

13

Wefdig uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed ayna kamid yihiin; wasiirada Maaliyadda, Amniga, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool.

U jeedka socdaalka mas’uuliyiinta, ayaa la xiriirta dhismaha golaha degaanka degmada, oo hadda meel wanaagsan marayo dhismahiisa.

Maamulka degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa xubnaha wefdiga Koofur Galbeed ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmada Waajid.

Wasaaradda arrimaha gudaha Koofur Galbeed oo kaashanaysa tan federaalka ayaa isku dayaysa in ay gole degaan u sameyso degmada muddo dheer ka dib, Alshabaab ayaa ku dhowaad sagaal sano waxay go’doomin ku hayaan shacabka degmadaas.