AMISOM oo shaacisay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay Sh/Dhexe

9

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM, qaybtooda Burundi ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoos taga degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Barta Twitter-ka ee ciidanka AMISOM ayaa lagu baahiyey sheegashadan, inkastoo aan la shaacin tirada xubnaha Al-Shabaab looga qabtay howlgalkaas, hadana waxaa lagu sheegay in booliska Soomaaliya lagu wareejiyey dagaalamayaashii la qabtay, si ay baaritaan dheeri ah uga sameeyaan.

Ujeedada howlgalkaas ayaa lagu sheegay mid lagu furayo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, taas oo inta badan ay Al-Shabaab dhigaan miinooyin sababa khasaare nafeed oo xoog leh.

Hawlgalkaan ayaa imaanaya markii dhawaan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen sarkaalka ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya, sidoo kalena ay todobaadkii hore ku dhawaad 20 qof oo shacab ah ku dileen qarax miino oo wadadaas ay ku aaseen.