Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

1

Kulanka  uu  goob joog ka ahaa  Taliyaha Qaybta 21-aad ciidanka xoogga Dalka Gen. Maxamed Cadoow Cali sanka, Taliyeyaasha qaybaha Kala duwan ee Ciidanka xogga dalka ayaa diirada lagu saarayaa xaaladaha amni ee Dhuusamareeb iyo Deegaanada hoostaga, oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Maamulka Degmada Dhuusamareeb iyo Saraakiisha ayaa iska xog wareystay tallaabooyinka amni ee Ciidamadu qaadeen iyo Howlgallada muhiimka ah ee looga fadhiyo in Ciidamadu ay sameeyaan inta lagu gudajiro bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa balan qaadeen inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisadad AL-Shabab,si looga saaro degaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay kaga sugan yihiin.

Kulankan looga hadlayay Amniga degaannada Galmudug ee lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada dowladda maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ay degaano kula wareegeen ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.