Madaxweynaha Puntland oo maanta cafis u fidiyey 66 maxbuus

3

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah cafis u fidiyay 66 maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu cafiyay maxaabiistan oo dembiyo kala duwan loo haystay inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Wareegtada waxaa lagu xusay in maxaabiistan uu madaxweynuhu u cafiyay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo xaaladda xanuunka Covid-19 awgeed.

Sidoo kale waxaa wareegtadan lagu sheegay in wasaaradda Caddaaladdu ay madaxweyne Deni u soo jeedisay cafinta 66-kaas maxbuus.