Cali Waraabe oo shaaciyey arrin uu Geelle ‘ka hor-istaagay’ Somaliland

5

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan loo doortay markii shanaad inuu hogaamiyo dalkaas.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayay kulan ka qabsoomay Clubhouse ayaa waxa uu ku sheegay inaysan marnaba heshiis aheyn madaxweyne Geelle, islamarkaana uusan la dhacsaneyn siyaasidiisa xukun maroorsiga.

Waxa uu ku tilmaamay madaxweynaha Jabuuti inuu yahay cadowga Somaliland ee kasoo horjeeda inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay baadi-goobeyso soddankii sanno ee u dambeeyay, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

“Anigu heshiis ma nihin Ismaaciil Cumar Geelle, waayo Ismaaciil waa cadowga Somaliland, waayo marnaba ma ogola in Somaliland la aqoonsado. Djibouti-na kama dambaynayso Ismaaciil,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxweyne Geelle aysan ka dambeyn doonin Jabuuti, maadama uu gebi ahaanba curyaamiyey siyaasiyiintii ka aragtida duwaneyd, islamarkaana uu caburin iyo awood ku haysto hogaanka dalkaas.

Faysal ayaa dhowr jeer oo hore taageero u muujiyey banaan-baxyo looga soo horjeedo Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu xiligaas ku sifeeyay shaqsi ‘gacan-maroojis iyo kali-talisnimo’ ku haysta hogaanka Jabuuti.