Toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

4

Ugu yaraan siddeed qof ayaa geeriyootay, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday magaalada Indianapolis ee dalka Mareykanka.

Toogashada ayaa gaar ahaan ka dhacday goob lagu magacaabo FedEx Ground. Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay dadka ku sugnaa xaruunta, ka dibna isagu is dilay.

Booliiska oo soo gaaray goobta ayaa sheegay in aan weli la aqoonsan ruuxa gaystay toogashada, balse ay ku gudajireen wareysiyo iyo xog uruurin.

Warar horudhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxa gaystay toogashada ka shaqeynayay xarunta ay toogashada ka dhacday oo lagu magacaabo  FedEx Ground, taasi oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Indianapolis.