Ciidamada AMISOM oo la hoosgeeyay dowladda Soomaaliya

17

Shir labo cisho Magaalada Muqdisho uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey oo ku soo gabagaboobey in taliska Ciidamada xoogga dalka  lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgalada Amniga Dalka lagu sugaayo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 balse hogaaminta qorshaha amniga Dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Ciidamada AMISOM ee Dalka jooga ay ka wada Amarqataan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan  Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Amisom ayaa isku raacay in la dajiyo bartilmaameedyo ay ku midoobaan si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ahA l-Shabaab, iyadoo sidoo kale isku afgartay in horay loo dhigo doorka ku aadan sugidda amniga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aysan qoraal ku koobneyn si dhibaatooyinka ay argagixisadu ku heyso shacabka looga dulqaado.

“Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.