Maxaa looga hadlay shirka Golaha wasiirada Puntland?

6

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ee Golaha wasiirada maamulka Puntland.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee deegaanada Puntland. Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday xaaladda siyaadda Soomaaliya ee weli muranka ka taaganyahay doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu golaha wasiirada uga warbixiyay safarkii uu u ku tagey magaalada Muqdisho, arrimaha la xiriira khilaafka doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa maalinta sabtida ee soo socota hortegaya Golaha baarlamaanka Puntland, si uu sharaxaad uga bixiyo sababihii keenay in uu natiijo la aan ku soo dhammaado shirkii madaxda Soomaalida uga socday teendha Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.