Madaxweyneyaashii hore oo u guuray Waqooyiga Muqdisho

8

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif ay ka guureen  guryihii ay daganaayeen ee aagga garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna dageen waqooyiga gobalka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu dagay nawaaxiga mirinaayo oo dhinaca kaaraan ah, halka Shiikh Shariif uu maanta u guurayo aagga Fagax, waxaana jira warar kale sheegaya in Xasan Cali Kheyrre iyo CC Warsame ay iyagana dagayaan goob kale oo xaafadaha magaalada ah.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib xiisad ka dhalatay muddo korarsiga uu sameestay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cabsi amni oo xalay ka jirtay Muqdisho.