Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka dhoofay Muqdisho

20

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo diyaarado u kala raacay  magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo oo ay ka arrimiyaan.

Daqiiqado gudahood ayey garoonka Aadan Cadde ka ambabaxeen labada diyaaradood ee Muqdisho ka qaaday labada Madaxweyne, waxayna warar aan helnay sheegayaan in markii ay tagaan deegaanadooda ay warbaahinta la hadli doonaan.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in go’aano culus ka soo saari doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tallaabadii ay shalay ku dhaqaaqeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo hey’adaha dowladda u sameeyey mudo kordhin.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa cirka isku shareertay waxay siyaasiyiin badan noo sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu sii dardar gelin doono damaciisa ku aadan in laba sano uu ku darsado mudada uu sii joogayo xukunka.

Haatan waxaa Muqdisho isugu soo haray Farmaajo iyo Musharaxiinta mucaaradka ah, lamana qiyaasi karo sida ay xaaladu noqon doonto.