Xasan Kheyre Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Farmaajo

1

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xilka qaadistii Maanta lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dalka xiligaan uu marayo xaalad halis ah oo ay hore uga digeen in la gaarsiiyo dalka.

Kheyre ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu kasoo kacay shirar looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka oo uu ugu dambeeyay Shirkii Afisyooni ee Madaxda, isla markaana farmaajo uu yahay mid diidan inay doorasho dalka ka dhacdo

Waxaa uu sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay shaqadii laga rabay oo uu haatan damacsan yahay inuu kala qeybiyo Ciidamada, uuna dalka ku wado God, sidoo kalena u yeertay Baarlamaanka waqtiga ka dhammaaday, si ay muddo kordhin ugu sameyaan.

Dalka ayuu tilmaamay Xasan Kheye in amnigiisa iyo dhaqaalihiisa ay hoos u socdaan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan niyad xumo, uuna arrimahaas mas’uul ka yahay Madaxweyne Farmaajo

Ugu dambeyn Kheyre ayaa boggaadiyay tallaabada uu qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Joon oo aheyd in Maanta uu sheegay in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyay Madaxda, balse xilka laga qaaday.