Maamulka G/Banaadir oo sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku hayaan

2

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa halkan kala wadaagayaa umadda Soomaaliyeed in xaalad amni ee caasimadda gobolka Banaadir ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada amniga qeybahooda kala duwan anaga oo ku amaaneyno firfircoonida iyo feejignaanta dheeriga ah” ayuu yiri Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

Waxaa goordhow ka bilowday dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhibaannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Waxaana goor sii horeysay taliyihii booliska gobolka Banaadir Saadaq John oo muuqaal uu soo duubay la baahiyay uu ku sheegay inuu joojiyay shirka golaha taasoo markii dambe keentay in taliyaha Booliska Soomaaliya Janaraal Xijaar uu isna ku dhawaaqo in xilkii laga qaaday taliye Saadaq John.

Mucaaradka ayaa ku eedeynayaa guddoonka golaha shacabka inay doonayaan inay muddo kororsi u sameeyaan hay’addaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.