Somaliland Oo Xukun Ku Riday Sarkaal Xiriir Wicitaan La Sameeyay Qof Jooga Muqdisho

12

Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa la horgeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland, kaasi oo lagu magacaabo Korneyl Jaamac Doolaal.

Sarkaalka ayaa waxaa ayaa Maxkamadda waxaa ay ku heshay dembi ah inuu xiriir wicitaan la sameeyay qof ku sugan gudaha Soomaaliya gar ahaan Muqdisho, isla markaana uu kala hadlay Arrimo ku aadan qoys iyo kuwo kale oo gaar ahaa.

Maxkamadda Ciidamada ayaa tallaada xiriirka uu sameeyay  Korneyl Jaamac ku tilmaamtay demi, waxaana Maxkamadda ay Sarkaalka ku riday xukun ah laba sanno oo xabsi Ciidan.

Sidoo kale Maxkamadda Somaliland ayaa laashay Korneyl Doolaal uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, kadib markii cod sir ah oo ay soo bandhigtay xeer Ilaalinta ciidanka ay caddeyn kari wayday in uu yahay codkii saxda ahaa ee Korneyl Doolaal.

Somliland ayaa horey xukuno kala duwan ugu riday dad ku sugan halkaas oo xiriir la sameeyay dad kale oo jooga Caasimadda dalka Muqdisho iyo kuwo kale oo ka tegay oo gaaray halkaas oo ay ku jiraan fanaaniin iyo xubno kale.