DFS oo maanta lagu wareejiyay maxaabiis ku xirnaa Garoowe.

4

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac Wasiirka Caddaadda Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu  sheegay in Maxaabiis loo haysto Burcad badeednimo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in 14 maxaabiis ah lagu soo wareejiyay, dowladda Soomaaliya, islamarkaana waxaa uu sheegay in la keeni doono magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa xusay maxaabiista lagu maxkamadeyn doono magaalada Muqdisho.

Dhawaan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa tegay Magaalada Garoowe, iyaga oo Puntland kala hadlay sidii Maxabista Reer Galmudug eek u xiran Xabsiga Garoowe loogu wareejin lahaa dowladda, iyada oo Puntland ay ogolaatay.

Maxaabiistan ayaa waxaa ay Magaalada Garoowe xirnaayeen muddo 10 sano ah, iyagoona weli helin caddaaladdii ay u baahnaayeen.