DFS oo shiinaha kala wareegtay wejiga labaad ee talaalka Covid 19

12

Diyaarad sida 200.000 oo Talaalka Covid-19 nuuca Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China ugu deeqday Soomaaliya ayaa goordhaw soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo masuuliyiin kale ayaa kala wareegay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fozia Abiikar Nuur ayaa safiirka Dalka China ee Muqdisho kala wareegatay 200.000 oo talaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.