R/wasaare Rooble oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirada

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mohamed Hussein Roble ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiradda la isku bedelay ayaa kala ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay  Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maxamed C/llahi Salaad Oomaar oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka warfaafinta Soonaaliya Cusmaan Abokar Dubbe oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in R/wasaare Rooble uu isbadel ku sameeyay wasaaraddii shaqada iyo shaqaalaha iyo Gaadiid duulista iyo Hawada