DFS iyo hay”addaha samafalka oo walaac ka muujiyay abaaraha ka jira dalka

9

Waddanka intiisa badan wuxuu wajahayaa biyo yari aad u daran, iyadoo in ka badan 50 degmo oo ay ka jirto  xaaladdo abaareed oo aad u daran sida lagu shaciyay qoraal wada jir ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo heya’’adaha Sama-falka.Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya  saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun 2021 oo markii labaad tusineysa mid ka hooseeya celcelis ah intii la heli jiray.Saadaashu waxay muujinaysaa in xaaladda wadanku ay u badnaan doonto roob  la’aan ama la heli doono roob aad u yar ilaa todobaadka saddexaad ee bisha Abriil.In ka badan 116,000 oo  qof ayaa biyo yari darteed u barakacay laga soo billaabo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay.

Haddii  xaaladdu sidan ku sii socoto gargaarka bini’aadamnimaduna uu ahaado mid xaddidan, waxaa laga cabsi  qabaa inuu dhaco barakac baaxad leh toddobaadyada iyo bilaha nagu soo aaddan.

“Ayadoo laga jawaabayo saameynta mashaqooyinka isbiirsaday ee waddanka ka jira, maanta ayay dadka  Soomaaliyeed ugu baahi badan yihiin in la taageero si ka duwan sidii hore.Waxaan ka codsanayaa deeq  bixiyeyaasha iney si degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo  saameynta abaaraha,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Bini’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee  Soomaaliya, Marwo Khadija Diriye.

“Waxaan wajahaynaa cunno yari baahsan, nafaqa darro, barakac iyo  cudurro. Dhaqaale Ayaan u baahannahay si dadka loo badbaadiyo, loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona  helo macaawino ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

”Xaaladda abaaruhu waxay lakab kale oo mushkilad ah ku kordhisay baahiyihii xad dhaafka ahaa ee horay u jiray, waqti ay bulshadu laa daalaa dhacayso saamaynta COVID-19, ayaxa, colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed iyo cunno yari baahsan.

Sicirka biyaha ayaa kor u kacay boqolkiiba 54 meelaha qaar, arrintan ayaa keeni karta saameyn aan la mahadin, maadaama ay dumarku ay ku qasbanaan doonaan iney masaafooyin dhaadheer biyo u doontaan ayna dhici karto iney baylah u noqdaan xadgudubyo lugula kaco.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in baahiyaha hadda jira ay sii kordhaan ayadoo weliba dhaqaalaha aan  heli karnaa uu hoos u sii dhacayo.Waan ka hortegi karnaa saameynta abaarta, laakiin waxaa loo  baahanyahay in hadda tallaabo degdeg ah la qaado annagoo ka faa’iideysaneyna waaya aragnimadii aan ka  dhaxalnay gurmadkii abaarta ee 2016/17,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee  Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

“Qorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2021 waxaa u  soo xarooday boqolkiiba 4.1 oo kaliya.Inkastoo sama-falayaashu ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal  ah si ay ula tacaalaan saameynta abaaraha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la maalgeliyo samafalka iyo dadaallada lagu dhisayo soo kabashada bulshada si ay isaga xajiyaan saameynta Cimilada is bedelaysa  ee waqtiga fog.