Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo la shiray Xubnaha Beesha Caalamka

7

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira khilaafka doorashada.

Ilo xog oggaal ah oo ku dhow kulanka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Deni ay beesha caalamka u sheegeen in aanay oggeyn shir fashilmay, ayna wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay shuruudo cusub hordhigeen shirka iyagoona Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.