Deni oo si kulul ugu hadlay sababta uu u fashilmay shirka madaxda Soomaalida

2

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Muqdisho oo natiijo la’aan kusoo idlaaday, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni.

Mr Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay.

Fashilka shirka ayaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin” in dalka ay doorasho ka dhacdo