Masar oo farriin cusub u dirtay Ethiopia kadib fashilkii wada-hadallada

3
Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi attends a military ceremony at the Hotel des Invalides in Paris on October 24, 2017. / AFP PHOTO / POOL / CHARLES PLATIAU (Photo credit should read CHARLES PLATIAU/AFP/Getty Images)

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Arbacadii ka digay halista dagaal ka dhasha biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile-ka bulugga ah, kadib markii wada-hadalladii labada dal iyo Sudan ay dhammaadeen natijoo la’aan.

Ergo ka socotay saddexda dowladood ayaa horraantii toddobaadkan ku kulmay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, hase yeeshee waxay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan khilaafkooda.

Isaga oo ka hadlayey furitaanka dhisme cusub oo ay dowladdu leedahay, ayaa Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo Sudan ay ka wada-shaqeynayaan arrinta, islamarkaana “Iskaashiga iyo heshiiska ay ka wanaagsan yihiin wax kasta oo kale.”

Isaga oo tixraacaya dagaalladii hore ee gobolka, waxa uu yiri: “Waan soo aragnay qiimaha isku dhac kasta.”

“Waxaan u sheegayaa walaalaheena Ethiopia, yeyna gaarin marxalad aad ku taabaataan dhibic ka mid ah biyaha Masar, sababtoo wax kasta waa ay furan yihiin.”

Wasiirka biyaha Ethiopia Seleshi Bekele ayaa isku dayey inuu qaboojiyo xiisadda.

“Ma jirto sabab loo galo dagaal aan lagama maarmaan aheyn dagaal uma billaaban karo biyo dartood. Biyuhu way qulquli doonaan haddii aad maanta dagaalanto, wayna sii quluqli doonaan berri,” ayuu u sheegay weriyayaasha Arbacadii.

Farriin qoraal uu u diray Reuters ayuu sidoo kale ku beeniyey eedeymaha ah in Ethiopia ay isticmaaleyso biyaha dal kale.

“Ma isticmaaleyno biyo ka yimid Masar ama Sudan, sababtoo ah biyuhu uma soo dareeraan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri.

“Waxaan biyo ka yimid Ethiopia u isticmaaleynaa baahida weyn ee aan qabno, innaga oo raaceyna isticmaal macquul ah oo caddaalad ah, oo aan dhaawac weyn u geysnaeyn deriskeena.”

Wada-hadallada Kinshasa oo socday afar maalmood ayaa fashilmay kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia “aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.”

Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM.