Kenya oo Turkiga ka soo iibsaneysa gaadiid ay kula dagaalanto Al-Shabaab

1

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa sidii Turkiga uga soo iibsan laheyd gawaarida Gaashaaman iyo gaadiid kale, si ay ugu adeegsato howlgallada ay ciidamada Kenya kula dagaalamayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kenya ayaa gawaarida nuuca gaashaaman ka iibsaneysa shirkadda Turkiga ah ee Otokar taasi oo soo saarta qalabka iyo gaadiidka ciidamada.

Gaadiidankan gaashaaman ee ay soo saarto shirkadda Otokar ayaa waxaa mid kiiba xambaari karaa 12 askari oo ku jiro darawalka iyo hubkooda.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay si rasmi ah bisha July heshiis ku aadan gaadiidkan la saxiixato doonta shirkadda Otokar.

Shirkadaan Turkiga ayaa hore waxaa ay gaadiidkan uga iibaysay dalal kale oo Afrikan ah kuwaasi oo la carrabaabin.

Ciidamo ka socda Kenya oo ku howlgalla Magaca howgalka Midowga Affrika ee AMISOM, ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira ururka Al-Shabaab