Safiirka Myanmar ee Uk oo laga hor istaagey gelida safaaradiisa

2

Safiirka Myanmar u fadhiya dalka UK ayaa sheegay in habeen dhan uu ku qaatay gaarigiisa kadib markii loo diiday in uu gudaha u galo saafaradda ay Myanmar ku leedahay magaalada London.

Safiirka ayaa sheegay in shaqaalaha saafaradda lagu amray in ay iskaga baxaan dhismaha safaaradda, amarkaasina uu ka yimid Militariga Myanmar.

Militariga ayaana horay safiirka ugu war galiyay in uusan kusii matali karin dalkaasi.

Militariga Myanmar ayaa wadankaasi afganbi kula wareegay horaantii bishii Febaraayo, iyadoona ay xigeen moojado dibad baxyo ah oo ay dad badani ku dhinteen. Safiir Kyaw Zwar Minn ayaa horay u dalbaday in lasii daayo Aung San Suu Kyi oo ah haweenaysii dalkaasi hogaaminaysay ee talada laga tuuray