Somaliland Oo Xiriir Cusub La Yeelatay Mid Kamid Ah Dalalka Afrika

14

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo socdaal ku tegay Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Zambia, taariikhda labada dhinac ay wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga.

Waxa kaloo kulanka inta uu socday lagaga wada hadlay  xiriirka cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xiriirka iyo danaha labada dhinac.

Ugu danbayntii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda ayaa ku balamay  dardar-gelinta ka wadashaqaynta Somaliland iyo Zambia.