Dagaal culus oo G/Sitti ku dhex-maray is-maamullada Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya

1

Wararka ka imaanayo dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay galbeedka gobolka Sitti.

Dadka ku nool deegaanada lagu dagaalamay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu dhanyahay khasaaruhu.

Dagaalkan ayaa saakay ka bilowday tuulooyinka ku teedsan xadka Soomaali Galbeed ay la wadaagto is-maamulka qowmiyadda Canfarta ee dalka Itoobiya.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda dhexe ee Ittoobiya oo la xiriira dagaallada dhex maray labadan is-maamul ee Soomaalida iyo Canfarta.