Waa sidee xaalada dalka Mozambique?.

6

Xaaladda magaalada Palma ee dalka Mozambique ayaa degan kadib markii muddo ka badan toddobaad ay weeraro dhimasho geystay ka fuliyeen maleeshiyaad lala xiriiriyay ururka IS.

Ilaa hadda lamo ogo tirada dadka ku dhintay weerarkaas.

Sidoo kale, waxaa jiraa warar soo baxayo oo ku saabsan in dagaallo ay weli ka socdaan Palma.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegeen in ku dhawaad 10,000 qof laga soo daadgureeyay magaalada lagu hareereysan yahay isla markaana la geeyay gobollada kale ee deriska ah.

Jimcihii waxaa la weeraray warshad shidaal oo ay leedahay shirkadda Total saacado uun kadib markii shaqaalaha shirkadda laga daadgureeyay halkaas.

Mas’uuliyiinta waxay sheegayaan in kumanaan qof ay weli ku dhuumaaleysanayaan keymaha ku yaalla Palma iyagoo ka cabsi qabo in maleeshiyaadka ay beegsadaan, dadkaas oo u baahan hoy, biyo iyo cunto.