Dad badan oo ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Taiwan

2

Ugu yaraan 34 qof ayaa dhintay, halka 70 kale ay dhaawacmeen, kadib markii uu wadada ka baxay tareen ay la socdeen ku dhowaad 350 rakaab ah.

Kooxda badbaada ayaa wada dedaalo ay ku badbaadinayaan dad saarnaa gawaari uu korka ka maray Tareenka. Waxaana suuragal ah in ay uu sii kordho khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee uu sababay shilka.

Baaritaan hordhac ayaa muujinaya in labo ilaa 3 Rimoorka Tareenka ay ka baxeen Khadka Tareenka, kadibna ay ku dhaceen Derbiga.

Tareenka ayaa ka yimid magaalada caasimada ah ee Taypi, wuxuuna ku sii jeeday magaalada kale ee Tay tung ee Taiwan.