Jabuuti oo ka jawaabtay hanjabaan kaga timid Al-Shabaab

4

War qoraal oo ka baxay dowladda Jabuuti ayaa waxaa looga jawaabay hadal hanjabaad ah oo dhowaan ka soo yeeray hoggaamiyaha Al-shabaab, kaasi oo ku aadan in ay weeraro ka fulin doonaan dalkaasi oo galey xili doorasho.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in hanjabaadaasi aaney hor istaageyn howlgallada ay ciidamooda ka tirsan AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

“Jabuuti waxay wali ahaaneysaa oo ay ahaan doontaa saaxiib la isku halleyn karo oo daacad u ah Soomaaliya iyo hawlwadeennada caalamiga ah ee dadaalkooda ku aaddan xasilinta Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri qoraalka

“Al-Shabab waxay sidoo kale si joogta ah u wadeen hanjabaadaha tooska ee ka dhanka ah wadamada gobolka ee taageerada siiya Soomaaliya ilaa iyo inta dalku uu awood u yeelanayo inuu si buuxda u xajisto amnigiisa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Jabuuti.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo dhowaan soo saaray muuqaal 20 daqiiqo ah ayaa waxaa uu kaga hadlay doorashooyinka 9 bishaan lagu wado in ay ka dhacaan dalka Jabuuti.

Abu Cubaydah ayaa jeediyay hadal hanjabaad ah oo ay qaadayaan weearo ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.