Madaxweynaha Dowlad deegaanka oo farriin u diray Galmudug iyo Hirshabeelle

3

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mustafa Muxumed Cagjar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday heshiis dhawaan ay la gaareen maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo ammaanka xadka ay wadaagaan labada maamul iyo dowlad deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmihii dambe ay soo badanayeen isku dayada Al-Shabaab ay ka sameynayaan xadka ay wadaagaan maamulada Galmudug, Hirshabelle, iyo dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa uuna arrintanaasi uu ku tilmaamay mid ay aad ugu xun yihiin maamulkooda, islamarkaana labada maamul waxaa uu ugu digay in ay ilaaliyeen heshiiskii ay wada gaareen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii tabasho ah ee jira laga wadahadli doono, islamarkaana xal laga gaari doono, balse uu ka dalbaday in ay sugaan amniga xuduudahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayay aheyd markii dowlad deegaanka Soomaalida ay heshiis la gaartay maamulada Galmudug, iyo Hirshaelle, waxaana heshiisyada labada maamul ugu qeyb galay, Wasiirka amniga ee dowlad goboleedyada Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo  madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed.