Daacish oo dad badan ku dhex haysata Hotel ku yaalla waqooyiga Musanbiig iyo weerar ku socda

23

Ciidamada dalka Musanbiig ayaa isku dayaya inay soo furtaan ku dhawaad 200 oo ruux oo koox hubeysan oo ka tirsan ururka Daacish ku haystaan hotel ku yaala waqooyiga dalkaas.

Saraakiil ciidan ayaa sheegay in dawladu geysay degaanka uu hotelku ku yaalo oo la yiraahdo Palma kana tirsan gobolka Kaabo Delgaado ee waqooyiga Musanbiig halkaasoo lagu haysto 180 ruux.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda hubeysan ee Daacish ka tirsan ay degaanka weerareen Arbacadii lasoo dhaafay kadibna ay dad badan magaalada Palma ku dileen.

Dad ka cararay degaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inta badan magaaladaan oo ah magaalo xeebeed dalxiis ay burburiyeen kadibna ay u gudbeen hotelkii magaalada ugu weynaa oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Willi lama shaacin wadamada ay u dhasheen dadka hotelka lagu dhex haysto hase ahaatee waxaa loo malaynayaa inay ku jiraan dad u dhashay dalka Faransiiska oo degaanka ka shaqaynayay.