RW Rooble oo daah-furay Hay’ad hubineysa tayada badeecada dalka la keeno

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala.

Hay’addaan ayaa waxaa soo soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday.