Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doomo kalluumaysi

9

Ciidamada ilaalada xeebaha ee maamula Puntland ayaa hawlgallo qorsheysan oo Badda ah ka fuliyey xeebaha Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raasi Gacan iyo degmada Laasqoray oo ka tirsan deegaanada maamulkaasi.

Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doomood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman.

Ciidamada Puntland ma sheegin tirada shaqaalaha saarnaa doonyaha la soo qabtay, xili ay wadeen kalluumeysi.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in dadkan ciidamadu soo qabteen, in ay ku howlanaayeen kalluumeysi sharci darro ah.

Xeebaha Somalia ayaa inta badan la sheegaa inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan doomo shisheeye, iyadoo ay ku sugan yihiin maraakiib ka socda dalalka caalamka qaar-kood oo la dagaalamaya burcadbadeedda