Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degmada Mahadaay

4

Wararka aan ka heleyno Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmadaas caawa tahay mid degan,kadib markii Al-shabaab ay la wareegeen xaafado kamid ah degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dib u la wareegeen degmadaasi, kadib saacado kooban oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada degmadu ay deggan tahay, isla markaasna caadi ku soo laabatay.

Ururka Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe, iyagoona dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro ka fuliyay degmooyinka gobolkaasi.