Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay rag ka ganacsadaha waxyaabaha maanka dooriya

8

Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameyeen magaalada Kismaayo ku soo qabteen ragg lagu eedeeyay in ay waxyaabaha maanka dooriyaha ay soo geliyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Raggan ay ciidanka soo bandhigeen ayaa gaaraya labo qof, kuwaasi oo lagu qabtay iyaga oo wata waxyaabaha maanka dooriya.

Saraakiisha Booliska ee maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dhawaan la horgeynayo hay’adaha cadaaladda eedeysanayaashan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ka digniin u diray dadka ka ganacsadaha waxyaabaha maana dooriya, islamarkaana soo geliya magaalada Kismaayo