AMISOM oo ka hadashay madaafiicdii lagu weeraray Xerada Xalane

12

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa waxaa si kulul looga hadlay weerarkii Madaafiicda ahaa ee maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

AMISOM ayaa sheegtay in seddex askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana xiligan xaaladu ay tahay mid degan

Maanta ayay ageyd markii weerar culus oo loo adeegsaday hoobiyaal lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilaa iyi lix hoobiye ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.