Wasiirkii Labaad Ee Xukuumadda Rooble Oo Ku Dhacay Cudurka COVID-19

4

Sii-hayaha xilka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa Maanta shaaciyay inuu ku dhacay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay dalka.

Wasiir Sheekh Cumar Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka uu yahay mid halis ah, uuna ku dhacay isaga oo uu haayay 18 maalmood, isla markaana hadda uu ka bogsaday.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Awqaafta in Cudurka kaligiis uusan ku dhicin, balse uu kula dhacay 20 qof oo Gurigiisa joogay 16 kamid ah oo halmar uu qabtay, isagoona sheegay in Gurmad Caafimaad loo fidiyay.

Wasiir Sheekh Cumar Cali Rooble ma shaacin waqtiga uu ku dhacay Cudurka COVID-19, hayeeshee uu tilmaamay in haatan xaaladiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay, isla markaana uu kasoo bogsaday xanuunkii haayay 18 maalmood.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka, sidoo kalena Culimadda ka dalbaday inay badiyaan Alle Bariga.

Gaba-gabadii sii-hayaha xilka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka oo uu sheegay in shacabka xiligaan adeg u heyso shaqo weyn, dadkuna looga baahan yahay inay qaatan tallooyinka loo jeedinayo.