Safiirkii Talyaaniga u fadhiyey dalka Congo oo hadda la dilay

17

Safiirkii waddanka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Confo ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalkaas, sida sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga.

Luca Attanasio ayaa maanta oo Isniin ah ku dhintay Isbitaal la dhigay kaddib markii kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ah oo uu ku safrayay lagu weeraray meel u dhow magaalada Goma, sida lagu sheegay bayaanka.

Kolonyada ayaa lagu soo warramay in ay lahayd hey’adda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP.

Askari boolis ah oo u dhashay Talyaaniga oo la safrayay kolonyada iyo qof kale oo saddexaad ayaa lasoo tabiyay in sidoo kale halkaas lagu dilay.

“Waxaa murugo leh in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijineyso geerida maanta magaalada Goma ku haleeshay safiirkii Talyaaniga,” ayaa lagu yiri bayaan goo dhow ka soo baxay wasaaradda.

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa isku day afduub, sida ay ku warrameen saraakiil ku sugnaa meel halkaas oo u dhow xero xayawaanada lagu xanaaneeyo ah. Kooxo hubeysan ayaa lagu yaqaannaa in ay weerarro ka fuliyaan aaggaas xuduudda dalka Congo uu la wadaago dalalka Rwanda iyo Uganda.