Maamulka Gobolka Hiiraan oo walaac muujiyay

12

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa faah faahin ka bixiyay caabuqa coronavirus oo dalka kusoo laba kacleeyay, kaas oo kiisas kamid ah lag helay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye jeyte oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in baaritan lagu sameeyay qaar ka mid ah bulshada magaalada laga hellay illaa 30 ruux kiisas ka mid ah COVID-19.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in cudurka Coronavirus uu yahay mid ku faafaya degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool Magaalada Beledweyne ayuu ugu digay  Guddoomiye Jeyte qatarta cudurkan iyada oo dadka uu faray in ay qaataan Talooyinka Caafimaad ayna ka foogajig naadan Qatarta COVID-19.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Wasaaradda Caafimaadka Hir-Shabeelle ay shaacisay inay kordheen kiisaska cusub ee Coronavirus.