Xoghayaha guud ee QM oo war ka soo saaray rabshadihii ka dhacay Muqdisho

5

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga walacsan yahay qalalaasihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa dhammaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay ku dadaalaan xasiloonida.

Sidoo kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis looga gaarayo arrimaha doorashada.

“Xoghayaha guud António Guterres waxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Jimcihii shalay magaalada Muqdisho ayaa gashay bandow iyo isku dhacyo, kadib markii dowladdu ay awood u adeegsatay ka hor tagga banaanbax ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Hasa yeeshee xaaladda magaalada ayaa maanta oo Sabti ah ku soo noqotay si caadi ah, waxaana sidoodii hore ku soo noqday howl maalmeedkii caadiga ahaa ee dadweynaha, sidoo kale dhamaan wadooyinka magaalada ayaa loo isticmaalayaa si caadi ah, intoodii horay u furneyd.