Musharax Daahir Geelle oo sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Farmaajo

12

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ila habeen ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in rasaastii Ciidamada dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida Ex-Naasa-hablood la doonayay in lagu dilay Madaxweynayaashii horre ee dalka.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale rasaastii shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in Ciidamadii difaaca cadawga loogu talo galay ay ku dilaan musharixiinta & dadka kale.

“ Wixii shalay wuxuu ahaa shirqool la doonayay in madaxweynayaal hore lagu dilo, dadka aan aqoon Ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta maah maah ah” Xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof kujirto ayuu yiri “ Musharax Daahir Gelle.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in musharixiinta ay doonayeen inay fagaaro ka hadlan, balse laga hor-istaagay , waxaana uu sicad u sheegay in dhibaatadii dhacday inay ku dacweyn doonaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi farmaajo oo uu sheegay in amarkaasi uu bixiyay.

Ugu dambeyn Musharax Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in Farmaajo oo shalay diiday in banaanbax lagu qabto Taalada Daljirka Daahsoon uusan ogolaan doonin in doorasho lagula tartamo.

Hadalka Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Midowga Musharixiinta loo diiday banaanbax nabadeed oo ay doonayeen inay ka dhigaan taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho.