Imaaraadka Carabta oo DFS ugu yeertay Dawlad KMG ah

7

Dawladda isutaga  Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay dhacdooyinkii  ugu dambeeyay ee habeen ka hor & shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Bayaan kasoo baxay  Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladaha kajira magaalada kadib markii rabshado ay dhaceen taas oo ku timid awood loo adeegsaday dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Imaaraadka carabta ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu ugu yeeray dowladda Kumeel gaarka ah, iyada oo Maanta Warbaahinta Caalamka ay aad u hadal hayaan.

Imaaraadka carabta ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka uu khilafka diblumaasiyadeed kala dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xilliyada doorashooyinka ay faragelin ku sameysaa arrimaha gudaha, iyada oo dhaqalo ku bixisa msusharixiin ay wadato