Dowladda Kenya oo qareeno cusub u qaadatay dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya

33

Xaakim hore ee maxkamad caalami ah iyo bare sharci ka dhiga dalka Ingiriiska ayaa qeyb ka ah koox sideed ah loo kireystay si ay u difaacaan Kenya dacwada badda ee ay Soomaaliya gudbisay.

Prof Sean Murphy oo ka tirsan Jaamacada George Washington oo bare dhinaca sharciga ka ah  ayaa hogaaminaya kooxda oo uu weheliyo Justice Tullion Treves, oo hore u ahaan jiray garsoore maxkamada caalamiga ah ee sharciga badaha.

Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah midka ay hadda ay isku haystaa Somalia iyo Kenya oo ka dhaxeeyay wadamada Peru iyo Chile.

Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad.

Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxdaan qareenada ah.

Dowladda Kenya ayaa ku fashilantay codsigeedi ku saabsanaa in markale dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee Somalia kala dhaxeeya oo ay ICJ u gudbisay.