Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo baaqday

8

Jimcaha maanta ah waa maalintii u dambeysay ee loo asteeyey in lasoo gaba-gabeeyo shirkii uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

17-kii bishan ayuu madaxweyne Farmaajo soo saaray qoraal uu madaxda ugu sheegayo inay isugu yimaadaan shirkaas oo qorshuhu ahaa in 18-kii illaa 19-ka bisha oo maanta ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, balse ma dhicin.

In la iclaamiyo shirkaas waxay timid kadib markii Baydhaba lagu soo gaba-gabeeyey shir laba maalmood uga socday guddiyo kala metelaayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo shaaciyey in heshiis laga gaaray qodobadii ay isku mari waayeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo ku soo kala tegay shirkii Dhuusamareeb-4.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo kaliya ayaa hadda madaxda dowlad goboleedyada ka jooga Muqdisho, kaas oo shalay soo gaaray, waxaana sida muuqata fashilmay jadwalkii shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale magaalada Muqdisho oo marti gelin laheyd shirkaas ayaa waxaa ka jirta xaalad jaha wareer ah, kadib markii ay dowladdu xoog uga hor tagtay banaanbax ay Jimcaha maanta ah iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

Dagaal toos ah ayaa xalay ka dhacay fagaarihii loo qorsheeyey in lagu qabto banaanbaxaas ee Daljirka Daahsoon, halkaas oo fiidkii hore ee xalay ay la wareegeen ciidamo uu hoggaaminayey Jeneraal Indhacadde.

Waxaa maanta laga awood ciidan looga hor tegay banaanbaxyo curdun ah oo ka hilaawday xaafadaha qaar, waxaana xiran wado kasta oo ma jiro wax isku socod bulsho ah.