Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Muqdisho

1

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay dagaalkii xalay ka dhacay Magalada Muqdisho iyo sidoo kale Bannaanbax saaka ka dhacay qaybo ka  mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana Beesha caalamku ay si kulul uga hadashay xaaladda dalku marayo.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamku ay ka walaacsan tahay xaaladda kasoo cusboonaatay dalka, gaar ahaan dagaalkii xalay dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa musharxiinta Madaxweynaha.

Beesha caalamku waxaa ay intaa ku dartay in dhinacyada isku haaya siyaasadda dalka ay ugu baaqayaan in dajiyo xaaladda, xiligaanna aan loo baahnayn dagaal.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka.

Ciidanka dowladda ayaa horay waxaa ay u xireen qaar ka mid ah waddooyinka muqdisho, iyadoo tallada daljirka daahsoon oo loogu ballansanaa in maanta uu bannaanbaxu ka dhaco ay joogaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.