Xiisad maanta ka taagan magaalada Beledweyne

42

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta laga dareemayaa xiisad u dhaxeysa ciidamada Jabhadda Jeneraal Abuurkar Xuud iyo maamulka HirShabeelle, gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed oo ku sugan magaalada iyo taliyaha booliska degmada.

Xiisadan ayaa soo cusboonaatay kadib markii ciidamada Jeneraal Xuud ay aad ugu soo dhawaadeen magaalada, sidoo kale waxaa heegan la geliyey ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo dhawaan la geeyey magaalada Beledweyne.

Wararku waxay sheegayaan in duleedka magaalada ay shalay ku kulmeen Jeneraalka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, kuwaas oo Jeneraal Xuud uu ka dalabaday in magaalada laga saaro madaxweyne ku xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed iyo taliyaha booliska magaalada Xasan Dhicisow.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Jabhadda Jeneraal Xuud ayaa KNN u sheegay inay qabsadeen qeybo ka tirsan magaalada, sida xerada Lamagalaay oo ku taalla duleedka magaalada, isagoo sheegay in hadafkoodu yahay in magaalada laga saaro Yuusuf Dabageed iyo taliyaha booliska, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay xirxirayaan dadka biramageydada ah ee ra’yigooda iyo rabitaankooda cabiraya.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Beledweyne waxay sheegayaan in ciidamada Haramcad ay maanta howlgallo ka wadaan qeybo badan ka mid ah magaalada Beledweyne, gaar ahaan wadada dheer ee buundada Nuurxawaad, waxayna halkaas ku baarayaan dadka iyo gaadiidka soo gelaya magaalada.

Garabka Jeneraal Xuud ayaa la sheegay inuu dal banayo in 24-saac gudahood Beledweyne looga saaro Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Taliyaha booliska HirShabelle ee magaalada Beledweyne Xasan Dhicisow Xasan oo ay ku eedeynayaan caburin dadweyne.