DF oo shaacisay in cudurka Coronavirus uu ku soo laba kacleeyey dalka

13

Wasiirka caafimaadka dawladda federaalka Fawsiyo Abiikar Nuur oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in kiisaska laga diiwaan galiyey dalka ee cudurka COVID-19 ay kordheen labadii bilood ee la soo dhaafay.

Waxa ay sheegtay in baaritaanadii laga sameeyey dalka 1-da ilaa 31-da January iyo 1-da ilaa 11-da February ee sanadkan lagu ogaaday in xaaladaha ay kordheen 52%, dhimashaduna ay siyaaday, taas oo muujinaysa sida uu u soo labakacleeyey cudurku.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ku baraarugaan khatarta cudurka, ayna sare u qaadaan heerka taxadarkooda, iyagoo maraya dhammaan talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurka ama loo dajiyey qofka lagu arko astaamaha uu leeyahay.

Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay inay diyaariyeen qorshe bulshada lagula wadaagayo xogta xaalada cudurka, islamarkaana sare loo qaaday awoodda baaritaankiisa, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay la siiyey ogolaanshaha baaritaanka cudurka, si adeegga bulshada loo fududeeyo, maadaama qofka dalka ka dhoofaya looga baahanyahay inuu haysto shahaadaha baaritaanka COVID-19.

Tallaalka cudurkan oo ay ansixisay hay’adda WHO ayey sheegtay Drs Fowsiyo inuu Soomaaliya soo gaarayo, kaas oo wax ka tari kara xakamayntiisa, iyadoo intaa ku dartay in baaritaan dheeraad ah lagu samaynayo nuuca cudurka oo Soomaaliya kiiskii ugu horreeyey laga diiwaan galiyey March 2020 in isbadal uu ku dhacay iyo in kale.

Tirada guud dadka cudurka laga baaray 24 saac ayaa dhan 1,529 qof, waxaana laga helay 90-ruux, iyadoo kiisaska cudurka ee wadanka ay marayaan 5,273, waxaa ka bogsooday 3,750 halka dhimashada guud ahaan ay marayso 154 qof.