Wararkii u dambeeyey shirka guddiyada farsamo ee ka socda Baydhaba

21

Waxaa maalinkii labaad magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ka socda shir u dhaxeeya guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood, kuwaas oo kala  socda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxayna ka soo tala bixinayaan qodobada sababay khilaafka hareeyey qabsoomidda doorashada dalka.

Sidoo kale shirkan waxuu gogol xaar u yahay shir wadatashi ah oo mar kale ay isugu imaan doonaan madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed, si xal kama dambeysa ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

Wajiga koowaad ee shirka guddiyadan ku sugan Baydhaba ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo maanta, isla markaana wajiga labaad lagu qabyo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha guddigaan ayaa rajo ka muujiyey in xal waara khilaafaadka ka jira doorashada looga gaari doono shirka uga socda Baydhaba.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in shirkan wajigiisa labaad lagu qaban doono magaalada Garbahaarey oo ah dhumucda khilaafka doorashada Soomaaliya, maadaama ay maamulkeeda mudo dheer isku heysteen Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay daah furay shirka ka socda Baydhaba, isagoo kula xiriiray aalada Internet-ka, waxuuna dhinacyada shirka u rajeeyay in kulamadooda ay guul uga gaaraan xal u helidda khilaafka doorashada dalka.