Gen Xuud oo madaxda Hirshabeelle ka dalbaday inay isaga baxaan Beledweyne

9

Saraakiisha ugu sareysa  Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa sheegay in 48 saacadood gudahood ay ugu qabtaan in ay isaga baxaan magaalada Baledweyne masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaaladaasi.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin dhibaatoyinka Hirshabeelle ee ka geysanayaan magaalada Baledweyne oo ah xariga dadka shacabka ah iyo amaan darada aay magaalada kusoo kordhiyeen, waa sida uu hadalka u dhigaye Janeraalka.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sidoo kale fariin adag u diray dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney beegsi ku haayso Sarakiisha Xooga dalka ee u dhashay gobolkan oo aay marwalbo badalaan waxuuna ugu baaqay in arintaasi dowlada ka waantowdo oo aay dib ugu soo celiso Sarakiisha aay gobolka ka badashay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle, kaasi oo ku aadan in ay ka falceliyaan hadalka ka soo baxay Jabhada Gen Xuud.