Mas’uuliyiinta maamulka G/Gedo ee DF oo soo gaaray Muqdisho

81

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo ayaa KNN u sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo maanta laga soo dejiyey Muqdisho, isla markaana ay wadatashiyo la yeelanayaan madaxda dowladda federaalka.

Gobolka Gedo ayaa noqday xudunta khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya, maadaama ay dowladda federaalku gacan ku heyntiisa kala wareegtay maamulka Jubbaland oo dastuuriyan xaq u leh inuu maamulo doorashada xildhibaanada dowladda dhexe ku metelaya gobolkaas.

Wararku waxay sheegayaan in dowladdu ay hadda qorsheynayso in gobolka Gedo lagu wareejiyo Jubbaland, gaar ahaan magaalada Garbahaarey oo doorashada xildhibaanada gobolkaas ay ka dhaceyso, si Jubbaland ay u maamusho doorashada.

Sidoo kale wararka aan helnay waxay intaas ku darayaan in wajiga labaad ee shirka maalinkii labaad Baydhaba uga socda guddiyada kala metelaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu maalmaha soo socda ka dhici doono magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.