Xasan Sheekh Oo Bilaabay Abaabulka Banaanbaxa Ka Dhacaya Muqdisho

37

Xarumaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda abaabulka banaanbaxa ay ku baaqeen Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha in uu maalinta Jimcaha ka dhacayo fagaaraha Daljirka Daahsoon.

Qoraal kasoo baxay xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa waxaa lagu sheegay in abaabulka socda ee banaanbaxa uu qeyb ka yahay Madaxweynihii hore Soomaaliya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigiisa.

Banaanbaxa ay ku baaqeen Musharixiinta ayaa ah banaanbax nabaddeed oo lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku muujin doonaan daroonkooda ku aadan in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Sidoo kale Qoraalka Xisbiga Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu xusay in dadka ay ka banaanbixi doonaan in si sharci darro ah uu dalka kusii maamulo Madaxweynaha muddo xileedka ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay hor kacayaan Midowga Musharixiinta ayaa maalinta Jimcaha ee 19-ka Febuary gudan doona qodob dastuuri ah oo uu xaq u siiyay dastuurka KMG ah ee inoo qoran” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa laamaha amniga dowladda Federaalka dalbaday inay sugaan amniga Musharaxiinta iyo dadka qeyb galaya, isla markaana dowladda uga digay inay Carqaladeyso.